
Tahriibka America, halista keymaha Amazone ay sii dheertahay wabiyada Baanam iyo darbiga Mexico, maxaad kala socotaa xaalada shaqsiyaadka ka tahriiba dalal badan oo dhaca qaaradaha Africa,Asia iyo wadama badan oo dhaca qaarada Yurub.
Ma waxaad tahay qof ku indha sarcaada shaqsiyaad alle iyo nasiibkooda oo furtay oo gudaha ugalay Mareykanka, mise waxaad tahay qof ka warhaya xaalada rasmiga ah ee ay maraan tahriibayaasha.
Hadaba ha indha xirnaan ee wax yar I raac si aan kuusoo tuso waxa jira run iyo been waxa ay yihiin.
Soo dhawoow markale.
Sanad walba waxaa dalalkooda kasoo tahriiba shaqsiiyaad nuucwalba ah caruur, rag iyo dumar intaba kuwaas oo isleh waxaad carigaas iyo Mareykanka ka heli doontaan nolo dhaanta tan wadankiina.
Waxaana ugu badan dadka soo hayaama reer Africa iyo Asia, walow ay ku jiraan shaqsiyaad kasoo taga wadama dhaca qaarada Yurub.
Waxaa qof walba aan daah ka saarneen in markii la maqlo ereyga tahriib ay maskaxdaada kusoo dheceyso in dal kale lagu galo si sharci daro ah, hadii ay ku qabtaan laamaha maanka dalkaasna waxaad kala kulmi doonto ma ogid hagaag.
Lakiin iyadoo sidaa loo ogyahay waxaa sii kordha tahriibayaasha isku shubaya keymaha iyo wabiyada halistaha ee dhaca Latin America.
Xaqiiqdii majirto wax la dhaho wuu sahlanyahay tahriibka Maraykanka gaar ahaan kan mudooyinkaan dambe aadka loo hadal hayo ee la marayo dhankaas iyo dalalka Brazil, Baanama, Colombia ilaa xuduudka Mexico.
Kuma cabsi galinayo oo kuma lihi ha tahriibin laakin waa muhiim inaad ogaato waxa halkaas ka jira.
Hagaag, aan ku horeyno Brazil, dalkan waxaa ku yaala kayma ugu halista badan caalamka oo ay maraan dadka Tahriibayaasha, waxaa lagu magacaabaa kaymahan Amazone, waxaana ku nool xeywaanaad intaas oo sano aan arag wax qorax ah sababa la xiriira dhirta halkaas ku taala oo aad u dhaa dheer oona keydiyey sun halis ah hadii ay ku garaafeeyaana ay adagtahay inaad ka bad baado.
Waxaa la sheegay in kaymahaan markii uu roob ka do’o muddo 15 daqiiqo kadib ah ayey dhibicda ugu horeysa ee biyaha ah dhulka soo gaarto, sida dhirta halkaas ku taala ay u baxday lee, uuna howd cabsi leh uu u yahay dhulkaas kaymaha ah.

Cabsida kaymaha Amzaone waxaa sii dheer fogaanta dhulka, waxaa kugu adkaaneysa xilliyada qar inaad qaado qaar kamid ah dibnahaaga daal awadii, waxaa kaa dhamaanaya sahayda waxaana halis ugu jirtaa xilligaas in Meesha lagaaga dhaqaaqo ileen majiro cid kusiinayo wixii naftiisa uuku badbaadsanlahaa.
Xilliga aad ku jirto socdaalka Kaymaha Brazil waxaad lakulmi kartaa tuugo kuwaas oo ku dili kara mararka qaar hadii ay kaa waayaan wixii markaas ay kaa dalbadeen.
Waxaad kasoo baxday Kaymihii halista ahaa ee Amazone, waxaad soo socoto oo aad rafaad soo marto waxaad soo gaartay Colombia.
Inkastoo halistu ay yartahay intii aad ku lugeyneesid dhulka Colombia, hadana wali niyadaadu masama ileen waxaa ku sugaya kaymaha Baanama iyo wabiyadii halista aah, run ahaantii tani waa xaqiiq jirta oo caalamka uu marqaati ka yahay.
Lugeys badan kaidb waxaad soo jeexday dhul fog waxaadna kasoo gudubtay dalal badan hada waxaad taagantahay Panama, Panama iyo Cost Rica waxaa u dhexeeya keymaha halkan idiin kaga muuqda.
Sawirka kore waa qaar kamid ah tahriibayaal ku dhax lugeynaya Howdka Panama, halis waxay ugu jiraan nuuc walba oo duurjiigta ah waxaana halkan si gaar ah loogu sheegaa xaywaanka halista ah ee Shabeelka iyo masaska waaweyn.
Taasi waxaa sii dheer waxaa keymahan kula kulmeysaa Gaangis kuwaas oo dilay kumaan kun oo tahriibayaal ah waliba si arxan daran, waxaana halkaas kufsi loogu geestaa haweenka nuuc walba oo ay yihiin.
Waxaan arakay intii aan ku gudaa jiray baaritaanka xogtan, Aabe kasoo jeeda mid kamid ah dalalka Africa oo ay isla soo tahriibeen isaga xaaskiisa iyo inankiisa ayaa intii ay ku gudu jireen socdaalka howdka Panama ay la kulmeen Gangis waxayna hortiisa ku dileen xaaskiisa iyo inankiisa isgana si dirqi leh ayuu uga soo baxdsaday sida uu warbaahinta u sheegay.
Waxaa sidoo kale halkaas mara wabiyaal haslitooda ay zaaid tahay, ayna ku jiraan xaywaanaad suntoodo ay sababi karto in aad wayso waxa kugu qaalis ee ah naftaada.
Meelaha qaar intii aad dhax lugeyneeso kaymaha Panama waxaad arkeysaa dad maalmo ama bilo ka hor dhintay oo yaala geedha hoostooda ama waa la dilay ama gaajo ayey Meesha ugu lee’deen.
Waxaad mararka qaar halkaas kula kulmeysaa rag muqalasiin ah oo kuleh anaga ayaa ku gudbineyo keymahan halista badan, laakin waa kuwa inta badan dadka u gacan galiya Gangiska si lacag xoogan looga qaado.

Waxaad kasoo baxaday meelihii ugu halista badanaa ee Amazone iyo howdka Panama, waxaadna joogtaa Costa Rica, yacni ma ahan in Labadaas dal oo kaliya aad soo mareyso ee dalal badan ayaa soo mareysaa laakin Labadan meel ayaa ugu halis abadan.
Hada waxa ugu way ee kaa dhax guuxaya waa sidii aad ku gaari lahayd xuduudka Maxico laakin ma dhawa waa inaad sii martaa wadamo dhawor ah sida Nicaragua, Salvador iyo
Guatemala.
Waxaana halkaas kusoo lugeyneesaa waqti badan adigoo aan ogeen waxa aad lakulmi doonto.
Socdaal dheer kadib waxaad soo gaartay Xuduudka Mareykanka iyo Mexico, waxaa ku sugaya ka talaabista darbigan aad halkan ka aragto, waxaa halkan isugu yimid boqolaal kun oo kasoo kala tahriibay daafaha caalamka kuwaas oo kasoo badbaaday halistii aan soo aragnay.

Darbiga dhinacan waa Mexico dhanka kalana waa America.
Shaqsiyaad ayaa iyaga oo isleh ka talaaba halkan kasoo dhacay kana jabay meela halis ah, waxaa qaarkood latacaalid xumo ay ku heysaa dhanka Mexico.
Taasi waxaa sii dheer in dhawaan Joa Biden uu war kasoo saaray arimaha xuduudka Mexico kaas oo ku sheegay in la adkeen doono, waxay taasi walaac iyo niyad jab ku keentay qul qulkii tahriibayaasha.
Hadii aad ka gudubto xadka waad heshay wixii aad usoo harjadeysa ee nolosha Mareykanka, waxaase soo martay waad ka warheysaa xaqiiqdi Meesha meel sahlan ma ahan.
Laakin hadada ka gudbi wayso isku diyaari xabsi iyo tarxiil meel kale oo aadan aqoon sida qoxootiyada dalka Panama iyo Costa Rica.
Kani wuxuu ahaa maqaal aan kugu siinayey macluumaad ku saabsan arimaha tahriibka ee la hadal hayo maalmahaan, waa sida aad u qaadato adiga kaliya waxaan jecleestay inaan kuu bidhaamiyo xaqiiqda Meesha ka jirta.
W/Q: Team Maqaal